Wararka

Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan hoos taga Kismaayo & faahfaahino ka soo baxaya

Degaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa galabta wiil dhalinyaro waxaa uu ku diley Aabihiis. Wararka ayaa sheegaya in wiilkan uu dilka aabihiis u adeegsaday Baangad uu qoorta kaga jaray. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland oo ku sugnaa degaanka Buulo Gaduud ayaa  gacanta ku dhigey wiilka aabihiis dilay oo haatan ku ...

Read More »

Wasiir Sabriye oo diiday in uu Xilka ka qaado Gudoomiyaal Degmo iyo R/W Kheyre oo ka carooday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu ka biyo diiday qorshe la doonayay in xilka looga qaado qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir. Wasiir Sabriye ayaa loo geeyay Liis dheer ay ku qoran yihiin Gudoomiyaal Degmo oo xilka laga qaadayo iyo kuwii lagu bedeli lahaa, Wasiirka ayaana ka biyo ...

Read More »

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru Dowlaha oo banaanka usoo baxay (Akhriso Cadeyn)

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya  Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Maxamuud Xayir Ibraahim. Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa ka hor yimid qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyada oo hada ku sugan dalka Biljamka, Wasiir Beyle ayaana Qoraalka uu soo saaray kusimahiisa waxa uu uga dhigay Wasiir kuxigeenka Wasaarada. Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhankiisa Qoraal ...

Read More »

Itoobiya oo Codsi Farxad galinaya Dowlada Eritrea u dirtay Qaramada Midoobay

Dowlada Itoobiya ayaa codsi rasmi ah ay u dirtay Qaramada Midoobay waxa ay kaga codsatay in Cunqabateynta mudada sanadaha ah saaran laga qaado Dowlada Eritrea . Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea , waxa uuna heshiisyo dhoor ah la galay Madaxweyne dalkaasi Eritrea. Abiy Ahmed ayaa la sheegay markii ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Somalia (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah waxa uu Caasimada dalka Turkiga ee Ankara kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Labada Madaxweyne ayaa intii uu kulankooda socday waxa ay kaga wada hadleyn arimo badan oo muhiim ah ay ku jiraan  iskaashi iyo wada shaqeyn dhax marta madaxda haatan iyo kuwii hore . ...

Read More »

Rasaas dhimasho & dhaawac sababtay oo lagu furay gaari rakaab ah

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabelle ay rasaas ku fureen gaari BL-ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasoo marayay duleedka degaanka Qalimow oo ka tirsan gobolkaasi. Rasaasta ay fureen ciidankan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay ka shakiyeen gaarigan oo ku soo dhawaaday barta kontorol ee ay ku sugnaayeen, halkaasina ...

Read More »

(Daawo Sawirro) Wasiir Ducaale oo tababar u furay dhalinyaro ku soo biirtay Saraakiisha Booliska

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa maanta tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska. Munaasabadda Tababarka loogu furayey Saraakiishaan, ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , Taliye ku xiggeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka iyo ...

Read More »

Al-Shabaab oo wacad ku martay iney fashilin doonto heshiiskii dekedaha ee Somalia & Itoobiya

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladaha Somalia iyo Itoobiya kaasoo dhigayey in Itoobiya ay maalgeshi ku sameyso afar ka mid ah dekedaha Soomaaliya. Mahad Warsame Abu-C/raxmaan (Mahad Karate) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Al-Shabaab ayaa hadal uu maanta oo Talaada ah siiyay Idaacada Andalus ee ku hadasha al-shabaab wuxuu ...

Read More »

Dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal degmada Kaxda 09/07/2018

Dab khasaare hantiyadeed geystay ayaa xalay ka kacay degmada Kaxda ee Koofur galbeed Gobolka Banaadir, waxaana dabkaas uu ka dhashay cilad koronto. Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay in dabka uu markii hore ka kacay dukaan ku yaal Xaafada saddexaad, waxaana markii dambe uu ku fiday goobo ganacsi oo kale. Dabka oo xalay kacay abaarihii 10-ka fiidnimo ayaa waxaa markii dambe ...

Read More »