Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru Dowlaha oo banaanka usoo baxay (Akhriso Cadeyn)

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya  Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa ka hor yimid qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyada oo hada ku sugan dalka Biljamka, Wasiir Beyle ayaana Qoraalka uu soo saaray kusimahiisa waxa uu uga dhigay Wasiir kuxigeenka Wasaarada.

Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhankiisa Qoraal soo saaray kuna Ogeysiiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayuu uga hor yimid Warqada uu qoray Wasiir Beyle uu ku simaha uga dhigay kuxigeenkiiisa.

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha ayaa ahaa mid mudo dheer soo jiitamayay, waxaana marar badan xalintan khilaafkan dhax galay kuna baxay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

          Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada

Xafiiska Shabakada heersare.com
Muqdisho Somalia
heersare@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*