PSG Oo Dooneysa Coutinho, Real Madrid Oo Lambarka Hazard Sii Diyaarisay & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. 09-07-2018 eng abdikafi ahmed “eng ck”

Suuqa kala iibsiga ayaa lagu kala qeybsamay sanadkaan, taasoo ka dhigan in horyaalka Premier League kooxahiisa uu u furan yahay, sidoo kalana koox walba oo qaaradda yurub ah ayaa wax iibsi loo ogolaaday kadib 1-da July.

Waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – adigoo ogsoon in kooxaha Premier League ay dukaameysi sameyn karaan, halka kuwa kalana ay heshiisyo gali karaan balse aysan dhameystiri karin.

Haddaba wararka hoos ku qoran shabakadda LaacibNet xaqiiqdooda iyo jiritaankooda masuul kama ahan maadaama ay u xaglineyso xuquuqda shabakadahii qoray.

 

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa goor hore doortay lambarka uu xiran doono Eden Hazard hadii 27-jirkaan uu usoo dhaqaaqo Santiago Bernabeu. (Diario Gol)

Paris Saint Germain ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato kubad sameeyaha Barcelona Philippe Coutinho, 26-jirkaan waxey ku dooneysaa 270 Malyan oo Pound si ay Neymar ugu qanciso inuu sii joogo kooxda. (Mundo Deportivo)

Neymar Junior oo 26-jir ah ayaa doonaya in Edinson Cavani kaas oo 31-jir ah, xiddiga heerka caalami waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto Napoli. (Sport)

Walaalka tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuu macalinka reer talyaani sii joogi doono Chelsea fasal ciyaareedka soo socda iyadoo wali shaki la galinayo mustaqbalkiisa Stamford Bridge. (Mirror)

Manchester City ayaa kula heshiisay Leicester City adduun dhan 60 Malyan oo Pound, 27-jirkaan heerka caalami wuxuu caafimaadka u marayaa Citizens 48-saac ee soo aadan. (Mail)

Arsenal ayaa wadahadal kula jirta kooxda Lorient ee dalka Faransiiska iyadoo ka dooneysa 19-jirka reer France Matteo Guendouzi kaas oo khadka dhexe ka ciyaara. (Sky Sports)

Lucas Torreira ayaa laga yaabaa inuu caafimaadka u maro Arseal maanta, 22-jirkaan reer Uruguay ayaa la filayaa inuu kusoo biiro kooxda waqooyiga London. (Metro)

Aabaha dhalay Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday in wiilkiisa ayba tahay inuu soo afjaro waqtigiisa xulka qaranka Jarmalka kadib dhaleeceyntii loo geystay markii ay qarankiisa ku fashilmeen Russia. (Bild)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*