Vinícius Jr oo dareen qiiro leh ku macsalaameeyay kooxda Flamengo, kahor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid

(Real Madrid) 26 Juunyo 2018. Vinícius Jr ayaa ku macsalaameeyay dareen qiiro badan kooxda reer Brazil ee Flamengo, kahor inta uusan ku biirin kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa aduun dhan 45 milyan oo euros kula soo saxiixatay Vinícius Jr sanadii 2017 waxayna labo xilli ciyaareed amaah ah ugu ogolaatay ilaa iyo June 2019 kooxdiisa Flamengo

Vinícius Jr   ayaa Twitter-kaiisa kusoo qoray in la gaaray xiligii uu u dhaqaaqi lahaa Real Madrid, “Waxaa la gaaray xiliga hormarka”.

“Waxaan diyaar u ahay inaan ka ciyaaro Real Madrid, waxaan rajeynayaa inaan la kulmo ciyaartoyda aan isku kooxda noqon doono, diyaar ayaan u ahay mashruucii ay i siiyeen, waan sameyn doonaa wax walba oo aan ku qabsan karo sida ugu dhaqsaha badan. Waan ogahay meesha aan aadi karo, waxaan sidoo kale ogahay awoodeyda”.

“Waxaan heystaa erayo badan aan doonayo inaan ugu mahad noqo dhamaan ciyaartoyda si weyn iiga saaciday kooxda Flamengo, waqti kadibna waan sii weynaan doonaa”.

“Waxaan isku dayi doonaa in qaar ka mid ah saaxiibadey ay halkaas ii raaci doonaan, inkastoo uu aabahay ila kaftamay, hadana wuxuu iisheegay isagoo qoslaaya inaan ka xeysan Karin asxaab badan”,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*