Rasmi: Xiriirka Kubada cagta Masar oo FIFA u Gudbiyey dacwad ka dhan ah Garsoore Enrique Caceres Sabab?

(24-6-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa cabasho rasmi ah ka gudbiyey garsoorihii dhexdhexaadiyey ciyaartii ay la yeesheen waddanka Russia, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ka eexday.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Masar, Hany Abo Rida ayaa sheegay in dacwad rasmi ah ay ka gudbiyeen garsoore Enrique Caceres, kaas oo intii ay ciyaartii Salaasadii socotay qaatay go’aamo badheedh ah oo lid ku ah xulka dalkiisa.

Rida oo u warramay Wakaaladda wararka ee Reuters Jimcihii maanta ayaa waxa uu tilmaamay inay doonayaan in baadhitaan lagu sameeyo dhamaan shaqaalihii garsoorka oo ay ku jiraan qolada qaybta shaashadaha ee garsooraha u sheega rikoodheyaasha iyo khaladaadka waaweyn.

“Waxa aanu doonaynaa in baadhitaan lagu sameeyo dhamaan kooxdii tababarka.” Sidaas ayuu yidhi Hany Abo Rida oo ah madaxweynaha xidhiidhka Masar.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu ku dooday in daqiiqaddii 78aad ay heleen rikoodhe markii khalad lagu galay Marwan Mohsen ciyaartii Russia, laakiin laga diiday, aakhirkiina 3-1 ay guushu ku raacday Ruushka.

“Garsooruhu waxa uu adeegsan karayey VAR (Hannaanka caawiya garsooraha) si uu u hubiyo inuu rikoodhe nagu abaalmriyo. Waxa kale oo ay arki karayeen in Fathi la tuuray. Markaa xaq baanu u leenahay inaanu cabano oo aanu baadhitaan dalbano.” ayuu mar kale yidhi.

Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in shacabka waddanka Masar aanay ka filayn in qaab ciyaareed sidaa u liidata ay la tagaan Koobka Adduunka hase yeeshee ay ka maqnayd khibraddu maadaama aanay 28 sannadood ka qayb-gelin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Heersare.com

E-mail: heersare141@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*