“Lionel Messi Maaha Hoggaamiye Sida Cristiano Ronaldo” – Halyeygii Xulka Qaranka France Ee Petit Oo Kubaha La Dul-maray Messi

(24-6-2018) Waxaa sii kordhay cadaadiska saaran kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, kadib guuldaradii xanuunka badnayn ee 3-0 ahayd ee kasoo gaartay dhigooda Croatia kulankooda labaad Group D ee koobka aduunka 2018.

Lionel Messi ayaa wuxuu weerar xoogan kala kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore kubada cagta, jamaahiirta iyo saxaafada qeybaheeda kala duwan ee caalamka, kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan wanaagsaneen labada kulan ugu horeesay ee koobka aduunka 2018 ee xulka qaranka Argantina, xili sodoo kale uu qasaariyay rigoodhe kulankii  Iceland.

Hadaba halyayga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France Emmanuel Petit ayaa wuxuu qeyb kasoo noqday shaqsiyaadka dhaliilsan qaab ciyaareedka Lionel Messi iyo inuusan ku fiicnayn inuu noqdo hogaamiye, xili uu sidoo kale ku faanay sida uu ugu guuleestay awooda hogaamineed ee xulkisia qaranka Portugal Cristiano Ronaldo.

Emmanuel Petit ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaaway: “Messi maaha hogaamiye, isaga ma ahan sida Cristiano Ronaldo, Messi waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, hadana waa inuu lahaadaa heer maskaxeed ee aad u wanaagsan”.

Halyayga xulka qaranka France ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Messi waa inuu toosaa, waa ciyaaryahan fiican marka ay Barcelona si fiican u ciyaareyso, UEFA Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu la kulmay xaaladan oo kale, marka aysan xaalada fiicneen wuxuu noqdaa mid luma, kumana soo laabto si uu markale uu kaga soo muuqdo garoonka, waxaad dareemeysaa sida inuusan qeyb ka ahayn ciyaarta, ma arkeysid isagoo cararaya, kaliya waxaad arkeysaa isagoo ku dhex socda gudaha garoonka, mana xiiseenayo xitaa inuu helo kubada”.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Heersare.com

E-mail: heersare@gmail.com

http//www.heersare.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*