Liverpool oo 180 million euro miiska u saartay Real Madrid si ay kaga soo qaadato mid ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan

(Liverpool) 23 Juunyo 2018. Wargeyka “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Liverpool ay xiiseeneyso saxiixo xidiga Real Madrid Marco Asensio inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga.

Marco Asensio ayaan boos joogta ku heysanin kooxda Real Madrid xili ciyaareed yadii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu ahaa xidig ugu safa shada badan xidigaha kursiga keydka Los Blancos.

 

 

Macalinka reer Germany ee kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa wuxuu u arkaa Marco Asensio inuu yahay xidig ku haboon inuu yimaado garoonka Anfield, maadaama ay doonayaan xili ciyaareedka soo aadan inay u dagaalamaan ku guuleysiga horyaalka Premier League

Wargeyska reer Spian ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Liverpool ay ka gudbisay saxiixa Marco Asensio aduun lacageed dhan 180 million euro si ay ugu qanciso Real Madrid in ay iska fasaxdo suuqan xagaaga.

Mundo Deportivo ayaa wuxuu sheegay in Real Madrid ay ka fiirsan doonto kahor inta aysan  jawaabta saxda ah siinin Liverpool, inkastoo la fahansan yahay Real Madrid inaysan dooneynin inay iibiso Asensio.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*