DAAWO SAWIRRO: Sida loo diyaariyay garoonka martigalinaya kulanka furitaanka koobka adduunka

(Moscow) 14 June 2018 Si qurux badan ayaa loo diyaariyay garoonka Luzhniki kaas oo lagu qabanayo saacado yar kadib kulanka furitaanka koobka adduunka ee 2018.

Calamada dalalka Ruushka iyo Sucuudiga ayaa lagu sii diyaariyay gudaha garoonka saacad iyo bar ka hor waqtiga ay bilaabanayso ciyaarta.

Taageerayaasha Ruushka iyo kuwa Sucuudiga ayaa soo marsaday midabyada astaanta u ah dalkooda ka hor ciyaarta oo bilaabanaysa 6-da maqribnimo.

Garoonka Luzhniki ayaa ah garoon qaadkiisu uu yahay 81-kun oo taageere, ciyaarta waxaa ka horayn doona xaflad wayn oo lagu soo bandhigayo gudaha garoonka.

 

waxaad nagala socotaan shabakada wararka heersare

waxaa idin soo jeedinayay Abdifatah Heersare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*